Maxkamad ku taalla ismaamulka Mandeera ayaa xukun ku riday sarkaal booliis ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dhaawac culus iyo weerar u geestay labo qof oo shacab ah.
Garsoore Omondi Cornel Ochieng, ayaa go’aamiyay in kooxda dacwad oogista ay caddeysay dambiga ka dhan ah Cabdihakim Cabdi Saman, oo horay ugu howl geli jiray Saldhigga Booliiska Bariga Mandheera.
Dhacdadan ayaa ka dhacday banaanka saldhigga booliiska 11-kii bishii May 2024-kii. Sida lagu sheegay xukunka, Saman ayaa si sharci darro ah dhaawac culus u geystay Dahaba Nuur Hillow oo 52 jir taasoo keentay jab culus oo gacanta ka soo gaaray. Diiwaannada caafimaadka iyo sawirrada raajada ee maxkamadda la soo bandhigay ayaa caddeeyay dhaawaca.
Sidoo kale, Saman ayaa lagu helay dambiga weerar uu ku qaaday Cabdirahman Macalim isla dhacdadaas, isagoo sabab u noqday dhaawac jireed oo dhab ah. Kiiskan ayaa ka dhashay khilaaf ku saabsan burburinta beerta qoyska, intii uu Saman weeraray Dahaba Nuur Hillow.
Sarkaalkan ayaa laga eryay shaqada waxaana laga mamnuucday howlaha booliska ilaa xukunkiisa laga go’aamiyo. Dambigan ayaa waxaa uu u dhigmaa ciqaabta ugu sareysa oo ah xabsi daa’in sida uu dhigayo Xeerka Ciqaabta.




