Hay’adda Caymiska Caafimaadka ee SHA ayaa dhammaystirtay xaqiijinta deymaha lagu leeyahay 448 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo laga dhaxlay hay’addii hore ee NHIF.
Hay’addu waxay sheegtay in xarumahaasi ay leeyihiin lacago sheegasho caafimaad oo midkiiba ka badan yahay 10 milyan oo shilin Kenya ah.
Agaasimaha guud ee SHA, Dr Mercy Mwangangi, ayaa sheegtay in bixinta lacagahaasi lagu salayn doono heshiisyadii ay xarumaha caafimaadku la lahaayeen NHIF xilligii ay adeegyada caafimaadka bixinayeen.
Waxay sidoo kale sheegtay in xarumaha caafimaadka laga doonayo inay soo gudbiyaan dukumentiyada iyo sheegashooyinka gaarka ah si loo sii xaqiijiyo ka hor inta aan lacagaha la bixin.
SHA ayaa boggeeda internet-ka ku daabacday liiska 448-da xarumood iyo lacagaha lagu leeyahay ee la xaqiijiyay.
Dhanka kale, xarumaha caafimaadka ee aan ku qanacsanayn lacagaha loo xaqiijiyay ayaa haysta ilaa 4-ta December 2026, saacadda shanta galabnimo, si ay racfaan uga gudbiyaan go’aanka, iyagoo raacinaya dukumentiyada caddeynta ah.
Hay’addu waxay sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu bixinayo deymaha laga dhaxlay NHIF, iyadoo ku baaqday in xarumaha caafimaadku ay si dhow ula shaqeeyaan si loo fududeeyo habsami u socodka bixinta lacagaha.




