Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa laba jeer duqeymo cirka ah ka fuliyay magaalada Kfar Tibnit ee gobolka Nabatieh, koonfurta dalka Lubnaan.
Wakaaladda wararka qaranka Lubnaan ayaa sheegtay in weerarradu ay dhaceen laba marxaladood, balse faahfaahin dheeraad ah lagama soo saarin khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.




