Senatarka Nandi oo ku baaqay in EACC ay baaritaan ku sameyso barasaabka ismaamulkaasi

0
257

Senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa doonaya in guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC uu baaritaano dabagal ah ku sameeyo barasaabka dowlad deegaankaasi Stephen Sang.
Waxaa uu senatarka soo jeediyay in la eego eedeyn loo jeediyay guddoomiyaha oo ah inuu ku kacay xadgudub dastuuri oo dhanka hoggaanka ah , inuu baal maray xeerarka hufnaanta sidoo kalena uu musuqmaasuq sameeyay.
Senatarka ayaa arrin sharci darro ah ku tilmaamay in barasaabka ismaamulka Nandi uu wasiirro magacaabay iyagoo aynan ansixin wakiillada golaha hoose.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa arrinkan laashay waxayna ku saleysay in magacaabidda wasiirrada ee Nandi aan lagu tixgelin dhaqanka , jinsiyadda iyo kala duwanaanshaha bulsho.
Samson Cherargei ayaa dhanka kale soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hooyatay shacabka ismaamulka Nandi.
Waxaa uu senatarka ku adkeysanaya in xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaha maadaama uu baal maray dastuurka wadanka u degsan.
Maxkamadda sare gaar ahaan qaybta qaabilsan arrimaha shaqada iyo shaqaalaha ee magaalada Eldoret ayaa barasaabka ismaamulka Nandi ku amartay inuu mar kale soo xayeysiiyo jagooyinka Siddeed wasiir ka dib dacwadii uu gudbiyay mid ka mid ah shacabka halkaasi ku nool oo lagu magacaabo Onesmus Kimeli.