Seddax qof oo ku dhintay dab ka kacay bariga dalka Indonesia

0
601

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen dab lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dad mudaaharaadayey oo ku sugnaa xarun baarlamaan oo ku taal bariga Indonesia, iyadoo mudaaharaadyo ballaaran ay ruxeen waddanka Koonfur-bari Aasiya.
Hay’adda maareynta musiibooyinka ee Indonesia, ayaa bayaan ay soo saartay Sabtida maanta ah , ku xaqiijisay dhimashada ka dib dab fiidnimadii xalay ka kacay magaalada Makassar, oo ah caasimadda gobolka Koonfurta Sulawesi, oo qiyaastii 1,600km (1,000 mayl) bari ka xigta caasimadda, Jakarta.