Sarkaal Sare oo Booliis ah oo laga helay meydkiisa gudaha gaariisa

0
198

Booliiska ismaamulka Nyamira ayaa baaraya geeri lama filaan ah oo ku timid sarkaal sare oo laga helay isagoo aan jawaab ka bixin gudaha gaarigiisa oo yaalay suuqa Ikonge ee wadddada u dhaxeeya Nyamira iyo Kericho. Dadweynaha ayaa ku soo wargeliyay booliiska ka dib markii ay arkeen gaariga sarkaalka oo goobta waqti dheer yaalay.
Saraakiisha saldhigga iyo baareyaal ka tirsan Waaxda Baarista Dembiyada ayaa goobta gaaray, halkaas oo ay ka heleen Allan Kandie oo meyd ah.
Kandie ayaa ahaa Taliyaha Saldhigga Booliiska Kibugat ee dowlad deegaanka Kericho. Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujiyay in meydka uusan lahayn dhaawacyo muuqda. Sidoo kale, dhalo maran oo oo khamri aha ayaa laga helay hoosa kursiga rakaabka.
Booliiska ayaa sheegay in baaritaanada ku saabsan dhacdadan ay weli socdaan.