Sarkaal ka tirsan KWS oo isku dilay xarunta dhexe ee Nairobi

0
126

Sarkaal ka tirsanaa Adeega duurjoogta KWS ayaa la sheegay inuu isku dilay galabnimadii Sabtida xarunta dhexe ee hay’adda oo ku taalla Lang’ata, Nairobi.
Sarkalkan ayaa lagu magacaabi jiray Corporal Richard Ndegwa Gichia, 39 jir, wuxuuna ka tirsanaa xarunta dhexe ee KWS. Sida ay booliisku sheegeen, dhacdada waxaa la soo sheegay qiyaastii 3:00 galabnimo.
Booliiska oo gaaray goobta ayaa meydka sarkaalka ka helay gudaha musqul ku taalla Ndovu Court, isagoo ku fadhiya kursiga musqusha isla markaana gacanta bidix ku haya qori noociisu yahay AK-103.
Baaritaannada hordhaca ah ayaa muujinaya in Gichia uu xiligaas shaqaynayay isagoo ahaa taliyaha waardiyaha aan hubaysnayn. Intaa ka dib ayuu la sheegay inuu aaday bakhaarka hubka, halkaas oo uu ka qaatay qori AK-103 ah oo ay ku jireen 30 xabbadood.
Waxaa la sheegay inuu qorigii la soo maray qaybta soo dhaweynta ka dibna galay musqusha, halkaas oo la rumeysan yahay inuu isku toogtay.
Booliisku waxay sheegeen in rasaastu ay afka ka gashay kana baxday qaybta sare ee madaxa.
Goobta lagama helin warqad ama fariin uu kaga tagay sababta uu isku dilay, waxaana baarayaashu sheegeen inaan weli la garanayn sababta dhacdada.
Saraakiisha Baarista goobaha dambiyada CSI ayaa baaritaan ku sameeyay goobta, ka hor inta aan meydka loo qaadin xaruunta meydadka lagu keydiyo ee Montezuma Monalisa Funeral Home, halkaas oo lagu sugayo baaritaanka meydka .
Booliisku waxay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo duruufaha ku xeeran dhacdadan.
Isdilka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay xubnaha hay’adaha amniga oo ay ku jiraan KWS, booliiska, asluubta iyo ciidamada militariga.