Saddex qof oo loo xiray weerar la sheegay in lagu qaaday kolonyadii Linda Mwananchi ee Kisii

0
122

Saddex qof oo loogu shakisan yahay dambiga ayaa la qabtay ka dib markii weerar lagu qaaday kolonyo ay lahayd dhaqdhaqaaqa Linda Mwananchi oo marayey deegaanka Keumbu, ismaamulka Kisii, maalintii Jimcaha.
Hoggaanka adeegga booliska qaranka NPS ayaa bayaan ay soo saareen maalintii Sabtida ku sheegay inay socdaan baaritaano lagu aqoonsanayo laguna soo qabanayo dad kale oo ku lug leh dhacdadan.
Booliska ayaa sheegay in baaritaanadu ay xaqijiyeen in weerarku uu ka dhacay waddada xiriirisa Kisii iyo Keroka maalintii Jimcaha oo ay taariikhdu ahayd July 3, kaas oo bartilmaameedsaday koox siyaasadeed oo ku sugnayd aaggaas.
Adeegga boolisku wuxuu sheegay in saraakiil ka tirsan Waaxda dembi baarista DCI ee bartamaha Kisii , iyagoo kaashanaya saraakiisha saldhigga booliska Keumbu, ay si degdeg ah uga jawaabeen dhacdada isla markaana ay soo qabteen saddex tuhmane oo hadda ku jira xabsiga booliska.
Booliska ayaa intaas ku daray in baarayaashu ay sameynayaan falanqeyn faahfaahsan oo lagu sameynayo muuqaallada ku wareegaya warbaahinta iyo baraha bulshada, iyadoo la kaashanayo dadaallada kale ee baaritaanka, oo ujeedadu tahay in la sameeyo xarig kale oo dheeri ah.
Adeegga boolisku wuxuu si adag u cambaareeyay rabshadahaas, isagoo ku tilmaamay dulqaad-la’aanta siyaasadeed mid aan la aqbali karin, wuxuuna uga digay dadkii ka dambeeyay in sharciga lala tiigsan doono iyadoo loo marayo habka cadaaladda dambiyada.
Taliyaha Guud ee booliska qaranka ayaa sidoo kale ku amaray qeybta arrimaha gudaha IAU inay dardargeliso qiimeynta dhacdadan, oo ay ku jirto aqoonsashada wixii gaabis ah oo dhanka shaqada ah oo gacan ka geystay rabshadaha. IAU ayaa horay saraakiil ugu dirtay aagga ay dhibaatadu saameysay.
Booliska ayaa ka codsaday dadweynaha inay taageeraan baaritaanka iyaga oo la wadaagaya wixii macluumaad ah oo ku saabsan dhacdadan saldhigga booliska ugu dhow ama khadadka xaaladaha degdegga ah ee lacag-la’aanta ah.