Ruushka oo beeniyay wararka sheegaya in shaqaalihiisa diblomaasiyadeed laga daad-gureynayo Iran

0
51

Dowladda Ruushka ayaa beenisay wararka sheegaya in diblomaasiyiinteeda iyo khubarada Ruushka ee ka shaqeeya xarunta tamarta nukliyeerka ee Bushehr, dalka Iran, ay qorsheynayaan inay halkaas isaga baxaan.
Safaaradda Ruushka ee magaalada Tehran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aanay jirin wax qorshe ah oo lagu daad-gureynayo shaqaalaha safaaradda iyo khubarada ka howlgala xarunta Bushehr, iyadoo intaas ku dartay in shaqadu sidii caadiga ahayd u socoto.
Safaaraddu waxay wararka sheegaya in shaqaalahaasi ay baxayaan ku tilmaantay kuwo been abuur ah.
Xarunta Bushehr ayaa ah xarunta keliya ee tamarta nukliyeerka ee Iran ee hadda shaqeysa, waxaana la sheegay inay dhowr jeer weerarro la kulantay intii uu socday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran.