Ruto oo difaacay heshiishka Raila

0
272

Madaxweyne William Ruto ayaa difaacay heshiiska midnimo ee uu la galay hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga maadaama midnimadooda ay ujeedadeeda tahay in dalka lagu xasiliyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in horumar la’aanta dalka ka jirta ay sabab u tahay isirka iyo kala qeybsanaanta, isagoo caddeeyay inuu aad u danaynayo in cid kasta oo kala qayb sanaan waddo uu lagaga hor imaado qaab sal balaaran.
William Ruto ayaa arrintan ka sheegay xilli uu ka hadlay ismaamulka Siaya oo uu ka qayb galay aaska George Oduor, oo muddo dheer ahaa sarkaalka ugu sareeyo ilaalinta Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Madaxweyne William Ruto ayaa ku nuxnuxsaday in midowgooda uu ka marran yahay dano gaar ah.
Ruto oo sidoo kale ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay ku xigeenkiisii hore ee Rigathi Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in kala qeybsanaanta ay halis ku tahay horumarka dalka.