Raila oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ilaaliyihiisi

0
793

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa tacsi u diray qoyska , asxaabta iyo ehellada George Oduor oo muddo dheer ahaa ilaaliyihiisa.
Waxaa uu qoraal ku xusay inuu aad uga naxay geerida xalay fiidkii ku timid sarkaalkan.
Oduor ayaa ku geeriyooday Nairobi ka dib muddo kooban oo uu xanuunsanaa.
Mr. Odinga ayaa sheegay in George uu tan iyo dabayaaqadii 80-yadii ka mid ahaa qoyska Jaramogi.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi aad u feejignaan badnaa , degganaa, isku kalsoonaa sidoo kalena u wayn u gudan jiray waajibaadkiisa shaqo.
Raila Odinga ayaa xusay inuu George si wayn ugu tiirsanaa dhanka xaqiijinta amnigiisa xilliyo adag oo uu soo maray.