Raila Odinga oo ololihiisa geynaya Tana River

0
590

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-OKA Raila Odinga ayaa maanta ololihiisa siyaasadeed geyn doono gobolka xeebta.
Waxaa uu socdaalkiisa ka billaabi doonaa ismaamulka Tana River si dadweynaha halkaasi ku nool uu uga dhaadhiciyo inay 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u doortaan madaxweynaha dalka.
Berri oo Khamiis ah ayuu Raila ku sugnaan doonaa dowlad deegaanka Kilifi , waxaa uu Jimcada u sii gudbaya Kwale halka uu socdaalkiisa gobolka xeebta Sabtida ku soo gabagabeyn doono ismaamulka Mombasa .
Shalay ayay ahayd markii Mr. Odinga uu kulan la qaatay guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu ganacsatada u ballanqaaday inuu xallin doono cabashooyin dhanka canshuuraha ah oo ay muujiyeen.
Sidoo kale waxaa uu xusay in haddii hoggaanka wadanka uu qabto, maamulkiisa uu dib u habeyn ku sameyn doono laanta dowladda u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee KEBS.