Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia oo laga qafiifiyay xukun horraan lagu riday

0
187

Waxaa xukun horraan lagu riday laga qafiifiyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najiib Razak.
Mas’uulkan ayaa horraan lagu xumay 12 sano oo xabsi ah.
Hasa ahaate kala bar xukunkaasi ayaa laga cafiyay, islamarkaana laga dhigay 6 sano xabsi ah.
Waxaa uu sidoo kale kala bar bixin doona ganaax lacageed oo horraan lagu xukumay.
Mas’uulkan hore ayaa lagu cadeeyay dembiyo la xiriira musuqmaasuqa ka dib markii sanduuqa dowladda ee 1MDB laga dhacay malaayiin doolar.