Qoys ku nool magaalada Xagadheera ee ismaamulka Gaarisa, ayaa dalbanaya cadaalad ka dib dil loo geestay ardayad 16 jir ah oo hadda ka qalan jebisay fasalka 9-aad oo uu faraxumeeyay ka dibna dilay adeerkeed.
Safiya Cabdi Bilali, oo dhawaan samaysay imtixanaadka fasalka 9-aad ee KJSEA ka hor dhacdada, ayaa ku dhimatay gacanta qof mas’uul ka ahaa daryeelkeeda ka dib geeridii hooyadeed.
Dhacdadan ayaa ka dhacday gurigooda oo ku yaal xerada qaxootiga ee Xagadheera, Borehole 5.
Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in illaa afar tuhmane loo xiray dhacdadan oo kala ah Xuseen Shafi Bilali oo 20 jir ah oo ah eedeeysanaha falka geestay, Zainab Salat Samatar, Xaliima Yuusuf Moge iyo Abubakar Cabdullahi.
Ka dib markii la horgeeyay maxkamadda booliiska ayaa loo ogalaaday inay eedeeysanayaasha xabsi ku sii hayaan 21 cisho ee dheeri ah si loo soo gabagabeeyo baaritaannada.




