Qof ku dhacay webiga Sagana oo maydkiisa la helay 9 cishe ka dib

0
221

Waxaa ugu dambeyn maydkiisa la helay mid ka mid ahaa wadayaasha baabuurta ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka Bartamaha dalka.
9 cishe ka hor ayay ahayd markii gaari uu qofkan kaxeynayay uu ku dhacay webiga Sagana River.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee deegaanka Ndia Moses Koskei.
Maydka Samuel Kamau Kagwanja oo 41 sano jir ahaa ayaa laga helay meel 2 kiilomitir u jirta halkii ay baabuurkiisa biyaha kula tageen.
Mr. Moses ayaa xusay in dadweynaha ku nool Sagana oo kaashanaya quusayaal maxalli ah iyo qaybta militariga ee qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga ah ay ka wada shaqeeyeen in la soo saaro maydka oo hadda la geeyay goobta maydadka la dhigo ee Kibugi funeral home ee magaalada Kutus iyadoo weli baabuurkiisa la raadinaya.