Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir oo saaka la horgeeyay ninkii xaaskiisa gubay ka dibna geeriyootay

0
317

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa saaka la horkeenay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray marxuumad Luul Cabdicasiis.
Fadhiga 3-aad ee maanta ee kiiska eedeysane Sayid Cali ayaa lagu dhageysanaya difaaca qareennada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamadda ku iclaamisay.
Maxkamadda ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dhageysanaysay kiiska eedeysanaha, waxaana la horkeenay maxkamadda marqaatiyaal iyadoo sidoo kale su’aalo weydiisay eedeysanaha.
Sayid-Cali ayaa horay u dalbaday maxkamadda Racfaanka, ka dib markii uu ku qanci waayay xukunkii dilka ahaa ee ay maxkamadda gobolka Banaadir horraan ugu ridday.