Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in dilalka ay Israa’iil u gaysatay welina ku bartilmaameedsanaysa shacabka Qaza aan horay loo arag tan iyo markii uu 2017-kii xafiiska la wareegay.
Ilaa iyo hadda waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii hore ee Oktoobar ee sanadkan lagu dilay in ka badan 13,300 oo qof.