Qaramada Midoobay ayaa soo saartay digniin ah in macluusha ugu saameynta badan ee caalamka ay ku soo wajahan tahay dalka Suudaan.
Waxaa ay halkaasi cunno yari ku haysaa in ka badan 25 milyan oo ruux.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegaya in sagaal ka mid ah tobankii qof ee ku nool Suudaan ay wajahayaan heerar gaajo oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
Sidoo kale dadkan ayaa ku xanniban meelo aan inta badan la gaari karin saameynta rabshadaha kooxaha dagaallamaya awgeed.
QM ayaa intaasi ku dartay in dagaalka u dhexeeya ciidamada militariga Suudaan iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF uu horseeday barakicii ugu waynaa caalamka.
In ka badan 18 milyan oo qof ayaa gudaha Suudaan si aad ah cunno ugu baahan waxaana xaaladahan wajahaya malaayiin kale oo ku nool dalalka dariska ah sida Suudaanta Koonfureed iyo Chad.