Waxaa caasimadda dalka Poland ee Warsaw isugu soo baxay kumanaan beeraley ah oo careysan.
Waxay halkaasi ka dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedaan xeerarka Midowga Yurub iyo badeecooyin ay ku tilmaameen kuwo qiimo ahaan hooseeya oo laga keenaya dhanka Ukraine.
Ciidamada ammaanka ayaa laga soo xigtay in labo sarkaal ay ku dhaawacmeen isku dhac dhex maray saraakiisha iyo dibadbaxayaasha.
Sidoo kale waxaa la xiray dhowr qof oo mudaaharaadka ka qayb qaatay.
Sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii Midowga Yurub uu meesha ka saaray canshuurta badeecooyinka Ukraine ee qaabka waddada uga gudbaya dalalka xubnaha ka ah EU-da ka dib saameyn wax soo saarka beeraha ee dalkaasi ka soo gaartay duullaanka militari ee Ruushka.




