Qaraxyo ayaa laga maqlay Addis Ababa, xilli dagaallada u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo isbahaysi ka kooban kooxo hubaysan oo mucaarad ah ay ku sii fidayaan waqooyiga dalka.
Saddex ilo diblomaasiyadeed ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Khamiistii in qaraxyada laga maqlay caasimadda Itoobiya xalay. Qaraxyadu waxay dhaceen saacado kadib markii Addis Ababa ay mamnuucday duulinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka gudaha caasimadda iyo nawaaxigeeda.
Ilo lala xiriiriyay Isbahaysiga Ciidamada Itoobiya ee Badbaadada ayaa wakaaladda u sheegay in isbahaysigu uu fuliyay dhowr weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn gudaha Addis Ababa, kuwaas oo qaarkood lagu bartilmaameedsaday xarunta ciidamada milatariga.
Isbahaysiga ayaa mideeya toddoba kooxood oo hubaysan, oo ay ku jiraan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo kooxo ka soo jeeda gobollada Amxaarada, Canfarta, Soomaalida iyo Benishangul-Gumuz. Isbahaysigu wuxuu sheegay inuu doonayo inuu xukunka ka tuuro dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Dagaalyahannada isbahaysiga ayaa sidoo kale isku dhacyo la galay ciidamada dowladda gobolka deriska la ah ee Canfarta, halkaas oo mas’uuliyiintu ay mar kale ku eedeeyeen Eritrea inay ciidamo soo gelisay dalka.




