Diyaarad ku wajahneed Tel Avi, Israa’iil oo si dedeg ah loogu weeciyay dhanka Sacuudiga

0
69

Duulimaad ay leedahay shirkadda FlyDubai oo ka soo duulay Dubai kuna socday Tel Aviv ayaa loo weeciyay Sacuudiga kaddib markii xaalad degdeg ah looga dhawaaqay diyaaradda.
Duulimaadka FZ1073 ayaa markii hore diray calaamadda degdegga ah ee 7700, waxaana wax yar kaddib la diray 7500, taas oo inta badan loo adeegsado in lagu muujiyo faragelin sharci-darro ah ama afduub diyaaradeed.
Diyaaradda ayaa markii dambe dib ugu laabatay calaamadda 7700, waxaana ay ku degtay garoonka Tabuk ee Sacuudiga.
Waxaa la soo wariyay in xaaladda degdegga ah ee diyaaradda ay ka dhalatay muran ama gacan-ka-hadal dhex maray duuliyaha iyo kaaliyaha duuliyaha.
Rakaab Israeli ah oo diyaaradda saarnaa ayaa saxafiyiinta u sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay gargaar dalbadeen, kaddibna qaar ka mid ah rakaabka ay caawiyeen qabashada mid ka mid ah duuliyeyaasha oo ay xireen.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xaaladda hadda la xakameeyay, isla markaana dadaallo lagu wado sidii rakaabka Israel looga soo celin lahaa Sacuudiga.