In ka badan 47,000 oo haween iyo gabdho ah ayaa sannadkii 2025 dunida oo dhan lagu dilay gacanta lammaanahooda ama xubno kale oo qoysaskooda ka tirsan, taas oo u dhiganta celcelis ahaan shan haween ah saacad kasta, sida lagu sheegay warbixin cusub oo Qaramada Midoobay soo saartay.
Warbixinta oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Haweenka (UN Women) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), ayaa sheegtay in tirada haweenka iyo gabdhaha lagu dilo guryahooda ama gacanta dadka ay xiriirka dhow la leeyihiin ay sannadihii u dambeeyay u dhexeysay 45,000 iyo 51,000.
Sida warbixintu tilmaamayso, 47,000 oo dhibbanayaal ah ayaa u dhiganta 129 haween iyo gabdho ah oo maalin kasta la dilo.
Sannadkii 2025, guud ahaan 78,000 oo haween iyo gabdho ah ayaa lagu dilay falal ula kac ah, iyadoo ku dhowaad 60 boqolkiiba kiisaskaasi ay ku lug lahaayeen lammaanahooda ama xubno kale oo qoysaskooda ka tirsan.
Warbixinta ayaa lagu saleeyay xog laga soo ururiyay 122 dal iyo dhulal kala duwan.
Qaaradda Afrika ayaa mar kale diiwaangelisay tirada ugu badan ee haweenka iyo gabdhaha ay dileen lammaanayaashooda ama xubno qoysaskooda ka tirsan, iyadoo tiradu gaartay 22,100 qof.
Aasiya ayaa kaalinta labaad gashay iyadoo la diiwaangeliyay 15,100 qof, waxaa ku xigtay Ameerika oo laga diiwaangeliyay 7,400, Yurub oo laga diiwaangeliyay 2,100 iyo Oceania oo laga diiwaangeliyay 300 qof.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in inkastoo heerka guud ee dilalka dunida uu hoos u dhacay, haddana dilalka haweenka ee la xiriira jinsigooda aysan si la mid ah hoos ugu dhicin.




