DHEGEYSO:Odayaasha Isiolo oo ku baaqay in la isdejiyo kaddib dagaallo dhimasho sababay oo ka dhacay Janju

0
73

Odayaasha dhaqanka ee ismaamulka Isiolo ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay ka fogaadaan weerarrada aargoosiga ah, kaddib markii iska horimaadyo ka dhacay deegaanka Janju, oo ku yaalla xadka Ismaamullada Garissa iyo Isiolo, ay sababeen dhimashada sagaal qof.
Odayaashu waxay ka digeen in haddii aan si degdeg ah loo joojin colaadda, ay rabshaduhu ku fidi karaan deegaannada Kinna iyo Modogashe.
Odayaasha ka kala socday bulshooyinka dega Isiolo ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Isiolo ku sheegay in xiisaddu weli kacsan tahay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in kooxo hubeysan ay qorsheynayaan weerarro aargoosi ah.
Xoghayaha guud ee Golaha Odayaasha, Abduba Nagele, oo akhriyay bayaanka ay si wadajir ah u soo saareen waxgaradku, ayaa ka digay in weerarrada aargoosigu ay sababi karaan dhimasho hor leh, barakaca qoysas badan iyo burbur ku yimaada xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya bulshooyinka ismaamullada dariska ah.

Odayaashu waxay ugu baaqeen Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NIS), Waaxda Baarista Dambiyada (DCI) iyo hay’adaha kale ee ammaanka inay xoojiyaan xog ururinta iyo roondooyinka amniga ee deegaannada ay colaadaha ka jiraan.
Waxay sidoo kale dowladda ka dalbadeen inay xaqiijiso in la soo qabto, sharcigana la horgeeyo dadka mas’uulka ka ah dilalka ka dhacay Janju.
Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Sakuye, Mwalimu Isaack Kara, ayaa dhankiisa beeniyay eedeymo ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Garissa u jeediyeen bulsho kale, kuwaas oo ku saabsan inay hooy siinayso maleeshiyaad ka tirsan qowmiyadda Oromada.
Waxay siyaasiyiinta uga digeen hadallada hurin kara colaadda, iyagoo sheegay in hadallada noocaas ahi ay sii kicin karaan xiisadaha isla markaana ay wiiqi karaan dadaallada nabadda.
Ugu dambeyn, odayaashu waxay dadka labada dhinac ugu baaqeen inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal, ayna ilaaliyaan nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.