Nin Kenyan ah oo ku nool dalka Maraykanka ayaa ballanqaaday inuu abaabuli doono dadka Kenyaanka ah ee qurbo-joogta ku ah dalkaas iyo dalal kale, si loo ururiyo 100 milyan oo shilin Kenya ah oo lagu taageerayo Senator-ka Nairobi, Edwin Sifuna.
George Njue, oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Embu, balse hadda deggan gobolka North Carolina ee Maraykanka, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Edwin Sifuna uu leeyahay karti uu ku noqon karo madaxweynaha Kenya.
Njue ayaa Sifuna ku boorriyay inuusan ka niyad-jabin dhaleeceynta uga imaanaysa dadka ka soo horjeeda himiladiisa siyaasadeed.
Isagoo ka hadlayay munaasabad uu Sifuna ka qaybgalayay, Njue wuxuu sheegay inuu baabuur ku soo safray muddo sagaal saacadood ah si uu u muujiyo taageeradiisa.
Wuxuu ugu baaqay Kenyaanka ku nool Maraykanka inay midoobaan oo ay dhaqaale ku taageeraan dhaqdhaqaaqa Linda Mwananchi.
Njue ayaa sheegay in qurbo-joogtu ay awoodaan inay ururiyaan lacag dhan 100 milyan oo shilin Kenya ah si ay u taageeraan dhaqdhaqaaqa Sifuna.
Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la sameeyo hannaan rasmi ah oo qurbo-joogtu lacag ugu soo diri karaan dhaqdhaqaaqa.
Dhanka kale, Njue wuxuu sheegay in dadka maalgelinaya ay mustaqbalka jeclaan lahaayeen inay ka qayb qaataan mashaariicda horumarinta dalka, haddii Sifuna uu ku guuleysto xilka madaxweynaha.
Wuxuu tusaale u soo qaatay mashaariicda dhismaha biyo-xireennada, korontada iyo waraabka beeraha.
Wuxuu intaas ku daray in maalgelinta noocaas ahi ay fursado ganacsi u abuuri karto qurbo-joogta, isla markaana ay gacan ka geysan karto horumarinta Kenya.




