Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Nuurdiin Xaaji oo amray in la baaro codad iyo muuqaallo lagu faafiyay...

Nuurdiin Xaaji oo amray in la baaro codad iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa taliyaha guud ee ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai ku amray inuu baaritaano ku sameeyo cod lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu tilmaamay wada hadal dhex maraya xildhibaanka deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad iyo sarkaal ka tirsan guddiga doorashooyinka ee IEBC.
In kastoo Junet Maxamad uu arrintan horay iskaga fogeeyay , waxaa uu Nuurdiin doonaya in la ogaado xaqiiqada arrintan.
Sidoo kale waxaa uu Mutyambai ku amray inuu baaro muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada .
Tallaabada uu qaaday agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka ayaa ku soo aadaysa iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu walaac ka muujiyay in hadallo uu ka jeediyay ismaamulka Uasin Gishu oo muuqaal looga duubay la farsameeyay si dadweynaha khalkhal loo geliyo.
Dhanka kale waaxda dacwad oogidda dalka ayaa dadweynaha ku boorrisay inay waddaniyad muujiyaan oo ay doorashada guud uga qayb qaataan si nabad ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments