Maxkamadda sharciga ee Garissa ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin lagu helay inuu faraxumeeyay gabadhiisa oo lix jir ah.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka ayaa sheegay in garsoore R. Lemayan uu ninka ku helay dembiga faraxumaynta ilmaha yar, oo lagu aqoonsaday xarfaha P.M.
Maxkamaddu waxay dhegeysatay in falkaasi uu dhacay 22-kii Janaayo 2026, abaare 11-kii habeenimo, xaafadda Bulla Ijara ee magaalada Garissa.
Go’aanka xukunka, maxkamaddu waxay tixgelisay markhaatiga ilmaha, hadallada afar markhaati oo kale oo dacwad-oogista ah, iyo caddeymaha caafimaad oo ay ka mid ahaayeen warbixinta baaritaanka caafimaadka iyo diiwaannada daaweynta.
Maxkamaddu waxay sheegtay in da’da yar ee dhibbanaha, oo aan weli gaarin 11 sano, ay qayb ka ahayd sababaha lagu saleeyay xukunka, iyadoo la raacayo qodobka siddeedaad, farqaddiisa labaad, ee sharciga dembiyada galmada ee Kenya.
Garsooruhu wuxuu xusay in eedeysanuhu ahaa aabbaha ilmaha, isla markaana laga filayay inuu ilaaliyo, balse uu taa beddelkeeda ku kacay falka lagu helay.
Ninka ayaa loo oggolaaday muddo 14 maalmood ah oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka. Dacwadda waxaa hoggaaminayay qareennada dacwad-oogista Evans Kazungu iyo Sharon Irungu.




