DHEGEYSO:Haweeney Mombasa ku xiran kadib markii ay ilmaheeda ka hor istaagtay imtixaanka KPSEA

0
28

Haweeney ayaa lagu xiray deegaanka Jomvu ee ismaamulka Mombasa, kadib markii ay ilmaheeda ka hor istaagtay inuu galo imtixaanka qaran ee waxbarashada dugsiyada hoose ee Kenya (KPSEA), iyadoo ku doodday in lambarka imtixaanka ee ardayga oo ahaa 666 uu la xiriiro shaydaanka.
Haweeneyda ayaa la xiray kadib markii maamulka dugsigu arrintan ku wargeliyay booliska, kaddib markii ay diiday in ilmaheeda uu fariisto imtixaanka sababo la xiriira lambarka loo qoondeeyay.
Taliyaha booliska ee deegaanka Jomvu, Celina Chirchir, ayaa xaqiijisay in saraakiisha boolisku ay booqdeen guriga haweeneyda, halkaasna ay ka soo xireen kadib markii ay heleen warbixinta.