Netanyahu oo la filayo inuu Arbacada la kulmo Trump si looga hadlo arrimaha Iiraan

0
324

Raa’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu Arbacada la kulmo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay uga wada hadlaan arrimahaa la xiriira Iiraan, sida xafiiska Netanyahu uu sheegay Sabtidii.
Mas’uuliyiinta Iiraan iyo Mareykanka ayaa Jimcihii ka wada hadlay si aan toos ahayn arrimaha nukliyeerka. Labada dhinac ayaa sheegeen in wada hadallo dheeraad ah la filayo in dhowaan la qabto.
Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa diiday in gantaallada dalka, kuwaas oo ka mid ah kuwa ugu weyn gobolka, laga hadlo, iyagoo sheegay in Xukuumadda Tehran ay rabto in la aqoonsado xuquuqdeeda ku saabsan hodanka uranium-ka.