Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya waddamada Kenya iyo Ghana.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in safarka rasmiga ah ee qaadanaya saddex cishe ee shalay halkaasi uga billowday madaxweynaha dalka William Ruto uu caddeyn u yahay iskaashiga adag ee laba geesoodka ah.
Mudavadi ayaa arrinkan ka sheegay kal-fadhiga labaad ee guddiga joogtada ee iskaashiga wadajirka ah ee (JPCC)oo ka dhacay magaalada Accra ee dalka Ghana.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay ka faa’iidaysiga fursadaha ku saleysan dan wadaagga ee lagu sii xoojin karo xiriirkan.
Waxaa madaxweynaha dalka William Ruto gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Kotoka ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Ghana Dr. Mahamudu Bawumia
Hoggaamiyaha dalka ayaa booqan doono xarunta dhexe ee ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika ee ku taalla magaalada Accra.
Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha uu khudbad ka jeediyo madal ganacsi oo ay ka qayb galayaan maalgashato badan.