Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Midaysan oo Talaadadii olale siyaasadeed ku tagay deegaanka Magarini ee ismaamulka Kilifi si ay ugu ololeeyaan musharaxooda xisbiga DCP Stanley Kenga, ayaa hadda sheegay in dowladda ay qorsheynayso inay ku shubato doorashooyinka soo socda.
Iyagoo uu hoggaaminaayay hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, ayaa ku eedeeyay shirqool lagu xadayo codadka doorashooyinka loo qorsheeyay inay dalka ka dhacaan 27-ka bishan November.




