Mbadi oo magacaabay lix xubnood oo hormood ka noqon doona sanduuqa kaabayaasha qaranka

0
240

Wasiirka Maaliyadda John Mbadi ayaa u magacaabay 6 xubnood Guddiga Sanduuqa kaabayaasha dhaqaalaha ee qaranka NIF muddo saddex sano ah oo ka bilaabanaysa Luulyo 8, 2026.
Sida ku cad ogeysiis ku soo baxay wargeyska dowladda, 6-dan qof ayaa loo magacaabay si waafaqsan habraacyada ku xusan Qaybta 13(1) ee Sharciga Sanduuqa Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Qaranka, 2026, ee hoos yimaada faracyada (a) iyo (b).
Qodobbadaas waxay dhigayaan in Guddiga Maamulka ee Sanduuqa uu ka koobnaan doono afar qof, oo noqon doona agaasimeyaal madaxbannaan iyo shaqsiyaad ah saraakiil dowladeed, oo loo magacaabi doono iyadoo lagu doortay aqoontooda xeeldheeri ama xilka ay hayaan.
Lixda xubnood ee la magacaabay waxaa ka mid ah madaxa fulinta ee shirkadda Centum James Mworia Mwirigi, Fahima Ali Ahmed Zein, Christopher Kibui Maranga, iyo Latoya Ouna. Lawrence Kibet iyo Mohammed Abdirahman Hassan ayaa iyagana loo magacaabay iyada oo la eegayo qaybta hoos yimaada faraca ‘b’.
Mwirigi wuxuu aqoon u leeyahay cilmiga Sharciga iyo Maaliyadda, halka Fahima iyo Maranga ay yihiin khubaro ku takhasustay maalgashiga bangiyada
Wasaaradda Maaliyadda ee Qaranka ayaa horey u qabatay wareysiyo loo dhex qorsheeyey June 29 iyo 30, kuwaas oo loo yeeray 16-ka qof ee ugu dambeeyey ee isugu soo haray tartanka, iyadoo laga soo xushay 78 qof oo codsiyada soo gudbiyey.
Sanduuqa NIF, oo ah qorshe isbeddel doon ah oo mustaqbalka fog ah uuna hoggaaminayo Madaxweyne William Ruto, wuxuu u adeegi doonaa sidii mishiinka ugu muhiimsan ee lagu waafajinayo ilaha maaliyadeed ee maamulka iyo mudnaanta horumarineed ee qaranka.
Madaxweyne Ruto wuxuu qorsheynayaa inuu hirgeliyo mashruucan horumarineed oo ku kacaya 5 tiriliyan oo Shilin isagoo isticmaalaya lacagaha sanduuqa muddo 10 sano gudaheed ah.
Wasiirka Maaliyadda Mbadi ayaa horay u tilmaamay in sanduuqani uu gacan ka geysan doono dhimista ku-tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee ay Kenya ku tiirsan tahay deynta si loo maalgeliyo mashaariicda horumarinta.
Madaxweyne Ruto ayaa saxiixay sharciga sanduuqa kaabayaasha dhaqaalaha ee qaranka, 2026, isagoo u beddelay sharci rasmi ah 9-kii Maarso, taasoo waddada u xartay in dowladdu ay abaabusho ilaa 5 tiriliyan tobanka sano ee soo socda, iyadoo loo marayo ku-wareejinta hantida dowladda ee gaarka loo leeyahay iyo hannaanka kale ee maalgashiga si loo taageero mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha.
Mashaariicda la filayo inay ka faa’iideystaan sanduuqan waxaa ka mid ah qorshaha ballaarinta Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta JKIA.
Dowladda ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay kordhiso Tareenka Casriga ah SGR oo la gaarsiinayo Malaba, dhisidda ilaa 2,500 oo kilomitir oo jidad labo-dhinac ah , iyo soo saarista 10,000 oo meegawaat oo tamar nadiif ah ah.