Maxkamadda sare oo laashay dacwad ka dhan ahayd xeerka siyaasadeed ee dalka

0
581

Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday dacwad lagu doonayay in la hakiyo dhaqangelinta xeerarka siyaasadeed ee wadanka ee wax laga beddelay sanadkan.
Guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo kala ah Hedwig Ongudi, Esther Maina iyo Daniel Ogembo ayaa arrintan dhinac iskaga dhigay.
Waxay sharci darro ku tilmaameen kiiska lagu diidanaa adeegsiga xeerka Political Parties Amendment Act 2022.
Garsoorayaasha ayaa sheegay ka hor inta aan xeerkan isbeddel lagu sameyn in si buuxda looga qayb geliyay dadweynaha oo ay aragtidooda ka dhiibteen laga soo billaabo sanadkii 2017-kii.
Maxkamadda ayaa go’aanka ay ku burisay dacwadda sidoo kale u cuskatay in la qabtay kulamo kala duwan oo ay ka qayb galeen ururrada bulshada iyo xoghayeyaasha guud ee dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.