Maxkamadda sare ayaa amar ku bixisay in laba eedaysane oo loo haysto dilka xildhibaanka deegaanka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay Charles Ongond’o Were in lagu sameeyo qiimayn maskaxeed.
Labadan qof ayaa la filayaa in lagu soo oogo dacwad dil ah. Tani ayaa imanaysaa ka dib markii ay dowladda soo gabagabeeysay baaritaannada kiiska.
Isaack Kuria iyo Allan Omondi Ogolla ayaa maanta ka soo hor muuqday maxkamadda qaab muuqal ah, halkaas oo garsoore Margaret Muigai ay amartay in la siiyo wakiilo sharci ah.
Waxaa ay sidoo kale amar ku bixisay in labadan qof lagu hayo xabsiga Kamiti.
Arrintan ayaa waxaa la soo hadal qaadi doonaa 18-ka bishan June si loo helo tilmaamo dheeraad ah.