Maxkamadda racfaanka oo 26-ka bishan go’aan ka soo saari doonto dacwadda canshuurta guriyeynta

0
369

Waxaa uu qorshuhu yahay in 26-ka bishan koowaad ay garsoorayaasha maxkamadda racfaanka ee dalka soo saaraan go’aan la xiriira canshuurta guriyeynta.
Xaakinnada kala ah Lydia Achode, John Mativo iyo Mwaniki Gachoka ayaa caddeyn doono in si ku meel gaar ah loo hakinaya qorshahan iyo in kale.
Shalay ayay ahayd markii ay maxkamaddu dhageysatay racfaan ay gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud ee dalka , baarlamaanka , maamulka canshuuraha ee KRA iyo wasaaradda maaliyadda .
Waxaa kiiskan isku haya dhinacyadan iyo senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtata, kooxaha u doodo xuquuqul aadanaha iyo ururka qareennada dalka ee LSK oo ka soo horjeeda in dowladda ay bil waliba mushaarka qofka shaqeeya iyo xarunta uu ka howlgalo ka jarto min 1.5 boqolkiiba si lacaghan loogu biiriyo sanduuqa mashruuca guriyeynta.
Maamulka madaxweyne William Ruto ayaa marar badan sheegay in mashruucan lagu dhisaya guriyo tayo ahaan wanaagsan oo ay kenyaanka ku degi karaan qiimo ay awoodaan si meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah ee dadka ku nool aynan haysan adeegyada aasaasiga ee bulshada.