Maxkamadda Sare ayaa sharci darro ku tilmaantay qodobo muhiim ah oo ka tirsan Sharciga Wax ka beddelka ee Dembiyada iyo Ku Takri falka Kombiyuutarka iyo Internetka ee 2025, kuwaas oo siinayay Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Kombiyuutarka iyo Dembiyada Internetka awood uu ku amri karo in la xannibo mareegaha iyo barnaamijyada internetka. Maxkamaddu waxay sidoo kale laashay qodob ballaarinayay dembiga dhibaataynta internetka si uu ugu daro farriimo loo arko inay qof kale ku riixi karaan ismiidaamin. Garsoore Patricia Nyaundi ayaa go’aamisay in qodobadan ay jebinayaan dammaanadaha dastuuriga ah ee xorriyadda hadalka iyo xorriyadda warbaahinta.
Garsooraha ayaa sheegtay in qodobkii oggolaanayay xannibaadda mareegaha uu siinayay guddiga awood aad u ballaaran iyadoo aysan jirin ilaalin sharci oo ku filan, sida kormeer maxkamadeed, taasoo ka dhigaysay xaddidaad aan waafaqsanayn dastuurka. Waxay sidoo kale xustay in qodobka la xiriira dhibaataynta internetka uu ku salaysnaa halbeeg aan caddayn, maadaama uu dembi ka dhigayay isgaarsiin lagu qiyaasayo inay qof kale ku dhalin karto ismiidaamin, iyada oo aan lagu salayn cabbir sharci oo cad oo la xaqiijin karo.
Maxkamaddu waxay sheegtay in qodobkaasi uu jebinayo mabda’a sharciyadda ee dastuurka, maadaama uusan si cad u qeexayn waxa dembiga noqonaya, arrintaas oo khatar gelin karta xuquuqda dadka lagu soo oogo dambiyadaas. Si kastaba ha ahaatee, garsooraha ayaa diiday dood ahayd in sharcigu uu ku xadgudbay xuquuqda asturnaanta, iyadoo sheegtay in dacwoodayaashu aysan si cad u muujin sida qodobada lagu muransanaa ay u jebinayeen qodobka dastuurka ee ilaalinta xogta gaarka ah ama Sharciga Ilaalinta Xogta.
Go’aanka maxkamaddu wuxuu si rasmi ah u buriyay qodobada 61JA iyo 27(1)(b) ee Sharciga Wax ka beddelka ee Dembiyada iyo Ku Takri falka Kombiyuutarka iyo Internetka ee 2025, isagoo ka dhigay kuwo aan wax awood sharci ah lahayn. Kiiskan ayaa loo arkaa guul weyn oo u soo hoyatay difaacayaasha xuquuqda dijitaalka ah, maadaama uu adkeeyay in xaddidaadaha lagu soo rogo hadalka internetka ay tahay inay noqdaan kuwo cad, dheellitiran, isla markaana hoos yimaada kormeerka maxkamadaha si ay ula jaanqaadaan dastuurka.
Home Wararka Kenya Maxkamad oo laashay awoodda dowladda ee xanibaadda mareegaha internetka, xoojisayna xorriyadda hadalka




