Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Jubilee, Fred Matiang’i, ayaa qiray in mucaaradku wajahayo caqabado adag oo ku saabsan wadaxaajoodyada dhismaha dowlad isbahaysi ah, haddii ay ku guuleystaan doorashada guud ee Kenya ee 2027.
Matiang’i ayaa sheegay in wada-hadallada ku saabsan qaybsiga awoodda iyo xilalka dowladda aan weli heshiis laga gaarin.
Hadalka Matiang’i ayaa kusoo aadaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in kalsooni-darro iyo kala qaybsanaan gudaha ahi ay ka dhex jiraan isbahaysiga mucaaradka mideysan.
Madaxda ugu muhiimsan ee isbahaysiga waxaa ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga Wiper Patriotic Front, Kalonzo Musyoka; hoggaamiyaha xisbiga Democracy for the Citizens Party (DCP), Rigathi Gachagua; hoggaamiyaha People’s Liberation Party, Martha Karua; hoggaamiyaha Democratic Party, Justin Muturi; iyo hoggaamiyaha Democratic Action Party-Kenya, Eugene Wamalwa.
Inkasta oo mucaaradku ballanqaadeen inay doorashada 2027 ku geli doonaan hal musharrax madaxweyne, haddana Matiang’i ayaa ka digay in heshiiska ku saabsan sida ay dalka u wada maamuli lahaayeen uu ka adkaan karo heshiiska doorashada ee lagu mideynayo musharraxa.
Isagoo Talaadadii la hadlayay idaacad maxalli ah oo ku hadasha afka hooyo, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa sheegay in wada-hadalladu weli socdaan, isla markaana aan heshiis rasmi ah laga gaarin arrimaha awood-qaybsiga.
“Dhisidda dowlad isbahaysi ah ma aha arrin sahlan. Qofkii kuu sheega inay sahlan tahay been ayuu kuu sheegayaa. Weli heshiis ma gaarin, wada-hadalladuna way socdaan,” ayuu yiri Matiang’i.
Hadalka Matiang’i ayaa muujinaya caqabadaha horyaalla hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo isku dayaya inay ku midoobaan hal musharrax, iyagoo isla markaana maaraynaya danaha siyaasadeed ee kala duwan iyo loollanka ku saabsan xilalka dowladda haddii ay doorashada ku guuleystaan.
Dhanka kale, Matiang’i ayaa dowladda ku boorriyay inay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha dembiilayaasha ah ee lagu eedeeyay inay carqaladeeyaan isu-soo-baxyada siyaasadeed, isla markaana ay cabsi geliyaan shacabka.
Wuxuu ku baaqay in dadka lagu tuhunsan yahay falalkaas sharciga la horgeeyo, si loo ilaaliyo amniga shacabka iyo xorriyadda ay u leeyihiin inay ka qaybqaataan munaasabadaha siyaasadeed.
Home Wararka Kenya Matiang’i oo qiray in mucaaradku wajahayo caqabado ku saabsan dhismaha dowladda isbahaysiga...




