Madaxweyne William Ruto ayaa weerar afka ah ku qaaday Senator-ka Nairobi, Edwin Sifuna, kaddib markii uu ballanqaaday in la baabi’in doono canshuurta guryeynta haddii uu talada dalka qabto.
Ruto oo Talaadadii ka hadlay arrintan ayaa dhaliilay mowqifka Sifuna, isaga oo ku eedeeyay inuu doonayo in la joojiyo barnaamijka dowladda ee dhismaha guryaha la awoodi karo, sabab la xiriirta canshuurta laga jaro mushaharka shaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Sifuna, oo xubin ka ah hoggaanka siyaasadeed ee mucaaradka, uu mushaharkiisa ka helo canshuuraha ay bixiyaan shacabka Kenya, oo ay ku jiraan dhallinyarada ka faa’iideysanaysa fursadaha shaqo ee uu abuurayo barnaamijka guryeynta.
Ruto ayaa sidoo kale su’aal geliyay sababta uu senatarku u doonayo in la joojiyo barnaamijka, isaga oo xusay in canshuurta guryeyntu ay qayb ka tahay maalgelinta mashaariicda dowladda ee lagu horumarinayo nolosha shacabka.
Dhankiisa, Sifuna ayaa hore u sheegay inuu bishii bixiyo 24,000 oo shilin oo canshuurta guryeynta ah, isaga oo ballanqaaday in canshuurtaasi meesha laga saari doono haddii dhinaca mucaaradku ku guuleysto doorashada guud ee 2027.
Khilaafkan ayaa qayb ka ah muranka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Ruto iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo dhaliilaya canshuuraha iyo barnaamijyada waaweyn ee dowladda.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Ruto oo si kulul ugu jawaabay Sifuna kaddib ballanqaadkiisa ah inuu meesha...




