Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha iyo Heerarka Xirfadeed ee dalka Kenya, Mary Muthoni, ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga afraad ee hay’adda Caafimaadka Afrika ee Africa CDC, kaas oo qaabilsan xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta barnaamijyada tallaalka ee qaaradda Afrika.
Agaasimaha guud ee hay’adda Africa CDC, Dr Jean Kaseya, ayaa magacaabistan ku xaqiijiyay warqad ku taariikhaysan 15-ka Oktoobar ee sannadkan 2026-ka.
Mary Muthoni ayaa hoggaamin doonta guddi hoos yimaada Madasha Qaaradda Afrika ee Tallaalka, kaas oo diiradda saaraya isku-duwidda dalalka, iskaashiga iyo dardargelinta fulinta barnaamijyada tallaalka.
Waajibaadkeeda waxaa ka mid ah isku-dubaridka dowladaha Afrika iyo hay’adaha ay iskaashadaan, xoojinta doorka dalalku ku leeyihiin barnaamijyada tallaalka iyo hubinta in la isla xisaabtamo natiijooyinka laga gaaro.
Sidoo kale, waxaa laga filayaa inay ka faa’iidaysato waayo-aragnimada laga helay fulinta barnaamijyada heer gobol, si wax looga qabto caqabadaha hortaagan gaarsiinta adeegyada tallaalka, loona xaqiijiyo in iskaashigu daboolo baahiyaha iyo mudnaanta kala duwan ee dalalka Afrika.
Madasha Qaaradda Afrika ee Tallaalka ayaa ah hindise ay Afrika hoggaaminayso, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta hoggaanka siyaasadeed, maalgelinta, isla xisaabtanka iyo iskaashiga lagu fulinayo istaraatiijiyadda tallaalka qaaradda ee sannadaha 2026-ka ilaa 2030-ka.
Hay’adda Africa CDC ayaa sheegtay in guddiyada laga sameeyay madashan ay ujeeddadoodu tahay in istaraatiijiyadda tallaalka loo beddelo natiijooyin la cabbiri karo oo laga gaaro dalalka Afrika.
Magacaabista Mary Muthoni ayaa ku soo beegmaysa xilli dalalka Afrika ay dadaal ugu jiraan xoojinta nidaamyada tallaalka, hagaajinta isku-duwidda hay’adaha horumarinta iyo dardargelinta barnaamijyada tallaalka.
Xilka loo magacaabay Mary Muthoni ma laha wax mushahar ah, waxaana hay’adda Africa CDC ay bixin doontaa taageerada xoghaynta iyo isku-duwidda howlaha.
Waxaa sidoo kale la filayaa inay ka qaybgasho kulanka ugu horreeya ee Madasha Qaaradda Afrika ee Tallaalka, kaas oo la qaban doono 23-ka ilaa 26-ka Nofeembar 2026, magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo kulankaasi barbar socon doono shirka Caafimaadka Dadweynaha ee Afrika.
Kulanka ayaa la filayaa inuu fursad u noqdo hoggaamiyeyaasha Afrika iyo hay’adaha ay wada shaqeeyaan, si ay u horumariyaan qorshayaasha tallaalka qaaradda, u xoojiyaan taageerada siyaasadeed, isla markaana loo adkeeyo isla xisaabtanka natiijooyinka la gaaro.




