Marwada Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer, Rukiya Cabdinasir, ayaa ku baaqday dadaallo xooggan oo bulshooyinku ay kaga hortagayaan in gabdhaha da’da yar uu ku dhaco kansarka ilma galeenka.
Iyadoo shalay ka hadashay kulan lala yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee dalka, khabiiro ka socda Ururka Cilmi baarista Carruurta ee Kenya (KePREC), iyo hoggaamiyayaasha ismaamullada Mandheera, Wajeer, iyo Isiolo, ayaa waxaa ay iftiimisay faa’iidooyinka tallaalka Human Papillomavirus (HPV).
Marwo Rukiya ayaa ku boorisay waalidiinta, mas’uuliyiinta iyo culumaa’udiinka inay si wadajir ah uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kansarka ilma galeenka, iyadhoo ku nuuxnuuxsatay inuu yahay mid ka mid ah kansarrada fara ku tiriska ah ee si buuxda looga hortegi karo hadii la qaato tallaalka.
Waxaa ay sidoo kale ka warbixisay walaac ku saabsan cagajiidka tallaalka, gaar ahaan miyiga iyo bulshooyinka muxaafidka ah. iyadhoo ku hadashay afka hooyooyinka ayaa waxaa ay u xaqiijisay bulshada in tallaalka uu ammaan yahay.
Tallaalka HPV ayaa waxaa loogu talagalay gabdhaha da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 14 jir iyadhoo lagu ilaalinaayo waqtiga ugu nugul ee noolashooda.
Waxaa ay muujisay walaceeda ku aadan faafinta macluumaadka qaldam, gaar ahaan bulshada Muslimiinta ay khatar gelinayso nolosha.
Waxaa ay carrabka ku dhufatay baahida loo qabo in laga gudbo cabsi dhaqameedka iyo sifo khaldan ee ku saabsan tallaalka.
Dhanka kale Dr. Isaak Bashir ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, oo ay ku jiraan culumaa’udiinka, ay door muhiim ah ku leeyihiin wacyigelinta bulshada ee tallaalka.
Munaasabadda ayaa sidoo kale iftiimisay muhiimadda waxbarashada bulshada, iyadoo hoggaamiyeyaasha diinta ay door weyn ka ciyaaraan in wax laga qabto walaacyada dhaqanka ee ku saabsan tallaalka.




