Wasaaradda Arrimaha dibada ee Iiraan oo sheegtay in kobcinta barnaamijkooda Nukliyeerka uu sii socon doono

0
419

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in Xukuumadda Tehran aysan ka quusan karin barnaamijkeeda tayeynta Yuranium-ka, kaasoo ay si ba’an u waxyeeleeyeen duqeymaha cirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil bishii hore.
Araghchi oo wareysi gaar ah siiyay wakaalada wararka ee Fox News ayaa sheegay in Iiraan ay “u furan tahay wadahadal” ay la gasho Mareykanka, balse aysan noqon doonin wadahadal toos ah “waqtiga hada la joogo”.
Xukuumadaha Tehran iyo Washington ayaa lahaayeen wadahadalo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka horaantii sanadkan, todobo sano ka dib markii Trump uu ka saaray Maraykanka Qorshaha Guud ee Wadajirka (JCPOA), kaas oo Tehran ay la saxiixatay dhowr quwadood oo caalami ah 2015-kii. Sida ku cad heshiiska, Iiraan ayaa goobaheeda nukliyeerka u furtay kormeerayaasha caalamiga ah si badalkeeda cunaqabataynta looga qaado.
Go’aanka Trump ee ah in Mareykanka uu ka baxo heshiiska ayaa yimid ka dib markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku eedeeyay Iiraan inay waddo “barnaamijka nukliyeerka si sirta ah”.
Iiraan ayaa muddo dheer ku adkeysatay in barnaamijkeeda tayeynta Yureniyaam-ka uu si adag u yahay ujeeddooyin rayid.