Mareykanka oo ku baaqay in xal waara laga gaaro dagaalka Suudaan

0
139

Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Suudaan in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka oo la dhaqangaliyo xabad joojin bani’aadamnimo ah iyadoo dagaalladu ay ku sii xoogaysanayaan gobolka istiraatiijiga ah ee Kordofan, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio uu ka digay in rabshadaha aan kala joogsiga lahayn ay yihiin “wax laga naxo” dhammaan kuwa ku lugta lehna ay wajihi doonaan cambaareyn waarta.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay, Rubio wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Suudaan loo baahan yahay in la joojiyo, isagoo intaa ku daray in sanadka cusub uu yahay “fursad weyn oo labada dhinac ay ku heshiiyaan taas” isla markaana ay u oggolaadaan gargaar aad loogu baahan yahay inuu gaaro malaayiin qof oo ay colaaddu saamaysay.