Mareykanka oo Israa’iil ka dalbaday inay sameyso baaritaan ka dhan ah dil loo geestay muwaadinkeeda

0
436

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Israa’iil in ay baaritaan ku sameyso dilka Sayfollah Musallet oo 20 jir ah oo u dhashay Mareykanka, kaas oo ay garaaceen dadka deggan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed, iyaga oo dhacdada ku tilmaamay “fal argagixiso”.
Mike Huckabee, danjiraha Maraykanka u jooga Israa’iil, ayaa sheegay Talaadadii in uu Israa’iil ka codsaday “inay si adag u baaraan” dilka Musallet oo ku dhashay gobolka Florida, kaas oo booqday qoyskiisa markii lagu weeraray magaalada Sinjil ee Falastiiniyiinta.
Laakiin hadalka safiirka Mareykanka ayaa waxaa uu ka gaabsaday inuu taageero rabitaanka qoyska Musallet ee ku aaddan in Xukuumadda Washington ay bilowdo baaritaankeeda madax bannaan.
Dadka dhaleeceeya Israa’iil ayaa sheegaya in Xukuumadda Netanyahu ay ku adag tahay inay baaritaan dhab ah ku sameeyso dadka deggan dhulka Falastiniyiinta ee la haysto ama askarteeda. Musallet ayaa ah muwaadinkii sagaalaad ee Maraykan ah oo ay Israa’iil disho tan iyo 2022-kii.