Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in dowladda dalkaasi ay ka xun tahay in la baajiyay safar uu qorshuhu ahaa in halkaasi uu ku tago wafdi matalaya Israa’iil si looga wada hadlo duullaanka Qaza iyo howlgallada qorsheysan ee magaalada Koonfureed ee Rafah.
Waxaa sidatan warfidiyeennada u sheegay afhayeenka golaha amniga qaran ee Maraykanka John Kirby.
Israa’iil ayaa safarka wafdiga baajisay ka dib markii uu Maraykanku shalay ka aamusay u codeynta qaraarkii golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee ku aaddanaa heshiis xabbad joojin oo ka dhaqan galo Qaza.
Waxaa qaraarkaasi ansixintiisa codkooda ku taageeray 14 xubnood oo ka tirsan golaha UNSC sidaasi ayuuna ku meel maray.