Maraykanka oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul

0
660

Saraakiisha Pentagon -ka Maraykanka ayaa rumeysan in weerarka ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul Khamiistii shalay uu ka dhashay hal qarax, ee uusan ahayn laba qarax.
Laba qarax ayaa shalay loo maleeyay inuu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul dalka Afganistan waxaana ku nafwaayay 85 qof oo 13 ka mid ah ay ahaayeen sarkaakiil ka tirsanaa ciidamada Maraykanka.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu ka aargudan doono kuwa dambeeya qaraxaas.
Waxaa uu sheegay inuu ugaarsan doono kuwa mas’uulka ka ah weerarkaasi islamarkaana laga qaadi doono tallaabada ay mudan yihiin.
“Kuwii fuliyay weerarkan, iyo sidoo kale qof kasta oo doonaya inuu waxyeello gaarsiiyo Mareykanka, ogaada “Ma cafin doonno; ma iloobi doonno, ”ayuu yiri Biden.