Dowladda Maraykanka ayaa qorsheynaysa in daadgureyn aan dhameystirnayn ay ka sameyso safaaradda ay ku leedahay dalka Ciraaq.
Waxay amartay in si aan qasab ahayn loo daadgureeyo dadka ku tiirsan saraakiisha militariga Maraykanka ee ka howlgalo Bariga Dhexe sida dalalka Baxrayn Kuwait iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ee UAE-da.
Tani ayaa loo aaneeyay walaac dhanka amniga ah.
Waxaa sidatan sheegay taliska dhexe ee militariga Maraykanka ee (CENTCOM) oo soo xiganaya xoghayaha difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth .