Maraykanka iyo Ingiriiska oo ka digay weerar laga gaysan karo Kabul

0
397

Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa shacabka Afghanistan ugu baaqay inaysan tagin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul.
Waxay sheegeen inay jirto khatar sare oo dhanka amniga ah.
Digniintan ayaa lagu saleeyay in laga cabsi qabo in weerar argagixiso uu ka dhaco gagida caalamiga ee Kabul oo weli ay ka socoto daadgureynta muwaadiniinta wadamada kala duwan , dibloomaasiyiinta iyo shacabka Afghanistan ee dalkaasi isaga baxaya kadib markii ay la wareegtay kooxda Taalibaan.
Waxaa digniintan mid la mid ah soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Australia .
Taliyaha guud ee ciidamada militariga Maraykanka William Taylor ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 10,000 oo qof ay ku sugan yihiin garoonka magaalada Kabul iyagoo sugaya in la daadgureeyo.