Maraga oo ku baaqay in IEBC ay ilaaliso kalsoonida dadweynaha

0
139

Madaxii hore ee caddaaladda David Maraga, ayaa ku baaqay in Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka (IEBC) uu ka fogaado wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida dadweynaha, iyada oo muran uu ka taagan yahay amarada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka hor doorashada guud ee 2027.
Maraga ayaa carrabka ku adkeeyey in ay muhiim tahay in dhinacyada muhiimka ah ee doorashada ay isugu yimaadaan si degdeg ah, isla markaana lagaga hadlo arrimaha muhiimka ah sida kormeerka iyo baaritaanka diiwaanka codbixiyeyaasha, diiwaangelinta codbixiyeyaasha qurbajoogta, teknoolojiyada doorashooyinka, iyo dib u habaynta sharciyada. Waxaa uu sheegay in kalsoonida iyo daacadnimada doorashooyinka ay tahay in la dhowro xilliyada oo dhan, lana ilaaliyo codbixiyaha.
IEBC ayaa caddeysay in kaliya codbixiyeyaasha isdiiwaangaliyay ka hor 2012 oo aan lagu darin diiwaanka biometric-ga ay u baahan yihiin in ay dib isdiiwaangeliyaan. Diiwaanka biometric-ga oo la bilaabay 2012 ayaa kor u qaaday saxsanaanta, hufnaanta iyo kalsoonida, waxaana laga isticmaalay dhammaan doorashooyinka tan iyo 2013, oo ay ku jirto doorashadii guud ee 2022 oo lagu sameeyey kormeer ballaaran.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa dhaleeceeyey amarada diiwaangelinta, iyagoo ku boorriyey IEBC inay hubiso in dhammaan codbixiyeyaasha u qalma, gaar ahaan dadka da’doodu weyn tahay iyo kuwa ku nool meelaha fog, aysan ka harin doorashada 2027. Maraga iyo madaxda kale ayaa ku adkeeyey muhiimadda diiwaan sax ah, iyadoo la baahanyahay kormeer buuxa iyo iskaashi dhow oo lala yeesho Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha si loo isku dubbarido xogta dadka iyo codbixiyeyaasha.