Maleeshiyo uu taageero Shiinaha oo la wareegay gacan ku haynta aagga macdanta ee Myanmar

0
579

Maleeshiyo dowladda Shiinaha lagu eedeyo in ay garab siiso ayaa ilaalinaya goobaha macdanta ee dhulka Bariga dalka Myanmar.
Waxaa sidatan laga soo xigtay afar qof oo xog-ogaal u ah arrintan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xukuumadda Beijing ay dadaal ugu jirto in ay gacanta ku dhigto kheyraadka macdanta si ay ugu adeegsato sidii aalad cadaadis ah oo ay kula gorgortamaysa Maraykanka oo uu kala dhexeeya xifaaltan ganacsi.
Shiinaha wuxuu ku dhow yahay in uu kaligiis helo awoodda farsamaynta waxyaabaha dhifka ah ee laga soo saaro dhulka.