Madaxweynihii hore ee wadanka Chile ,Sebastian Pinera ayaa ku geeriyooday shilka mid ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca.
Waxaa arrinkan lagu xaqiijiyay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.
Pinera oo bilyaneer ahaa ayaa labo xilli soo hoggaamiyay dalka Chile.
Waxaa sidoo kale geerida mas’uulkan hore xaqiijisay wasiiradda arrimaha gudaha ee Chile ,Carolina Toha .
Hasa ahaate faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta keentay burburka diyaaradeed.