Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa kulan la qaatay dhigiisa wadanka Colombia Francia Elena Marquez Mina.
Kulankan oo ka dhacay hooyga rasmiga ah ee madaxweyne ku xigeenka dalka ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayaa waxay kaga hadleen dhinacyada kala duwan ee iskaashiga labada dal oo ay ka mid yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka ganacsi ee labada waddan iyo arrimo kale.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa carrabka ku adkeeyay in ajendaha dowladda ee dib u soo nooleynta dhaqaalaha iyadoo la adeegsanayo istaraatiijiyadda hoose ay weli socoto, maalgashatada shisheeyana ay muhiim u yihiin xaqiijinta horumarka dhaqaale iyadoo dhinacyo badan laga eegayo.
“Sida aad la socotaan, waxaan hoggaanka dowladeed la wareegnay annagoo leh aragti ah in si weyn wax looga beddelo dhaqaalaha dalkeena, sidaas darteed ayay dowladda Kenya si xooggan u hirgelineysa qorshahan iyadoo loo marayo ajendaha isbeddelka dhaqaalaha ee ugu hooseeya, taasoo ah mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee qorshayaasha dowladda” ayuu yiri hoggaamiyaha labaad ee dalka.
Waxaa uu dhanka kale tilmaamay in tallaabooyin badan la qaadayo si loo ballaariyo suuqyada wax soo saarka wadanka ee dibadda, iyo sidoo kale in la soo jiito maalgashi shisheeye oo toos ah.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in madashan ay tahay mid aad ugu habboon ka mira dhalinta ajandeyaashaasi.
Labada hoggaamiye ayaa tilmaamay in la sameynayo ilaa shan waaxood oo ballaaran si ay u hagaan maalgashiga istiraatiijiga ah si loo dardargeliyo loona ilaaliyo heerarka sare ee waxqabadka dhaqaalaha.
Waxaa dhinacyadan ka mid ah isbeddelka wax soo saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada, caymiska caafimaadka caalamiga ah, oo ay ku jiraan wax soo saarka badeecadaha caafimaadka iyo quudka noolaha, qorshaha weyn ee dhijitaalka ah iyo isku xirka intarneetka, maalgelinta shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah iyo hirgelinta guryo la awoodi karo iyadoo la dhisayo 250,000 oo guri sanadkiiba 5-ta sano ee soo socota.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ugu baaqay maalgashatada dalka Colombia inay ka faa’iidaystaan xiriirka labada dal ee Kenya iyo Colombia oo aad u wanaagsan islamarkaana ay maalgashadaan gudaha dalkani Kenya.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay ka shaqaynayso sidii loo xaqiijin lahaa deegaan wanaagsan oo ganacsiga ku habboon.
Madaxweyne ku xigeenka Colombia ayaa dhankeeda dowladda Kenya ku ammaantay inay tahay goob ganacsi iyo maalgashi oo si wanaagsan looga faa’iidaysan karo.
Francia Elena ayaa habeen ka hor Kenya ku timid safar rasmi ah oo qaadanaya saddex cishe.
Labadan hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay hirgelinta duullimaadyo toos ah oo isaga kala goosha dalalka Kenya iyo Colombia taasoo awood u siinaysa ganacsatada iyo maalgashiga inay si fudud ugu kala gudbaan waddamadan.
Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa saxiixidda laba is-afgarad oo ku saabsan iskaashiga u dhexeya Kenya iyo Colombia iyo horumarinta sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka.
Qiimaha badeecooyinka ay Kenya u iibgayso Colombia oo sanadkii 1995-tii ahaa 13.3 milyan oo shilin ayaa sanadkii 2021-kii gaaray 272 milyan oo shilin.
Kenya and Colombia share many cultural, social, and economic similarities that we are keen on exploring for the sustained development of our two great nations.
In advancement of the partnership we solidified this morning, I was glad to host Colombia @ViceColombia H.E.… pic.twitter.com/M8gWv5qqdx
— H.E. Rigathi Gachagua, EGH (@rigathi) May 15, 2023
— H.E. Rigathi Gachagua, EGH (@rigathi) May 15, 2023
— H.E. Rigathi Gachagua, EGH (@rigathi) May 15, 2023




